Deni Iyo DpWorld Oo Dekeda Bosaaso Isku Heysta

Somalia news

Maamulka Puntland ayaa walaac xoogan ka muujiyey Habac-sanaanta iyo dhibaatada Maamul Ee ka taagan dekedda magaalada Boosaaso iyo fulin la’aanta heshiiskii horumarineed ee ay wada gaeleen Puntland iyo P&O Ports sanadkii 2017….

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mr.Saciid Deni, ayaa laga soo xigtay inay soo gaartey cabashada Ganacsatada iyo Shacbiga degaanka ee ku aadan xaaladda Maamul Ee dekedda Boosaaso, wuxuuna qiray inay dheceen wada xaajoodyo ku aadan sidii arrintaan xal looga gaari lahaa inkastoo uu rajo xumo ka muujiyey.

Dhanka kalena, madaxweynaha Puntland oo ay ka muuqatay inay ka quusteen waxqabadka DP world ee dekedda Boosaaso ayaa caddeeyye inay wada diyaariyeen qoraalo sharci iyagoo la kaashanaya lataliyayaashooda iyo sharciyaqaano caalami ah si arrintaan xal looga gaaro, isagoo lagu wado in 27-bishaan gaaro Magaalada Dubai Ee Dalka UAE.

68720cookie-checkDeni Iyo DpWorld Oo Dekeda Bosaaso Isku Heysta