Amaro la Duldhigay Gudoomiyayaasha Gobolada & Degmooyinka Maamulka Puntland..

Somalia news

Maamulka Puntland ayaa la sheegay iney soo dhex galeen Khilaaf ka dhashay kadib markii uu Gudoomiyaha Degmada Garoowe ui shaqada ka joojiyay isla markaasna xabsiga u taxaabay Gudoomiye kuxigeen xaafadeed oo diiday inuu ka mid noqdo Xisbiga Madaxweynaha Puntland….

Wararka ayaa sheegaya dhacdadaan ay ka yaabisay inta badan Shaqaalaha Maamulka oo argagax iyo cabsi ka qaaday iney shaqadooda ku waayaan Taageerista iyo u codeynta Xisbiga Saciid Dani ee KAAH, oo lagu eedeeyay “ Dimuqaradiyaf Shaqsiyeysan”.

Xiisadaan ayaa waxaa soo dhex galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Mr.Cabdi Faarax oo soo saaray Qoraal ku faray in Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka “In aan Qofna shaqada looga joojin karin Aragtidiisa Siyaasadeed”, wuxuuna ku gacan seyray dalab ah inuu ku biiro Xisbiga KAAH.

251840cookie-checkAmaro la Duldhigay Gudoomiyayaasha Gobolada & Degmooyinka Maamulka Puntland..