Qorqor Oo Ka Baaqday Safar Uu Dhuusa mareeb Ku Tegi Lahaa

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb Ee Gobolka Galguduud Ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoor-qoor shalay ka baaqday Safar uu ku tegi lahaa Magaalada Dhuusamareeb sababo amni dartood…

Sida wararku sheegayaan Shalay ayay ahayd in uu udhoofo Dhuusamareeb,balse waa looga digay, Kooxda shabaab xalay 10-Hoobiye ayay ku tuureen garoonka Dhuusamareeb caasimada Galmudug.

Xuuraano la soo gaarsiyay Warbaahinta gudaha ayaa sheegeysa in Qoor Qoor ay saraakiishiisa dhanka ammaanka ku wargeliyeen in uusan ka dagi karin Dhuusamareeb, kadib duqeymo xalay saqdii dhexe lagu garaacay.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Qoor Qoor ay suurtagal tahay in safar dhulka ah ku tago Dhuusamareeb islamarkaana uu ka dago garoonka magaalada Cadaado si loo ilaaliyo badqabkiisa.

117640cookie-checkQorqor Oo Ka Baaqday Safar Uu Dhuusa mareeb Ku Tegi Lahaa