Khilaaf U Dhaxeeya Dani Iyo Jamaal Oo Xal Loo Waayay

Somalia news

Khilaaf Xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland iyo Wasiirka Qorsheynta Ee Dowladda Federaalka ayaa soo shaac baxay, iyadoo isku dayo iyo dadaalo lagu xalinaayo Khilaafka una waday Mr.Farmaajo iyo xubno kale uu ku soo dhamaaday Fashil….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Odayaal Xildhibaano Puntland ah, Xildhibaanda Gobolka Sanaag ay iska kaashanayaa sidii looga hor istaagi lahaa Wasiir Jamaal Maxamed Xasan Liiska Golaha Wasiirada ee Cusub inuu ka mid noqdo Baarlamaanka Federaalka Ee Doorashada 2021.

Tan iyo intii Xukuumadii Kheyre Booska baneysay Madaxda Puntland waxay bartilmaameedkooda 1-aad ka dhigteen inaan Mr.Jamaal Maxamed sii hayaha Wasiirka Wasaarada Qorshaynta uusan soo laaban.

Madaxweyne Siciid Dani oo aan qarsan carada uu kaqabo ayaa dhowr shir oo uu la qaatay Beesha uu metalo kaga hadlay in Jamaal iyo Puntland aysan dhan u wada socon, wuxuuna ku Eedeeyay Mr.Jamaal in Safarkiisii ugu horeeyey ee Gobolka Sanaag ayaa ku tegay magaalada Dhahar, uu ka bilaabay in la mucaarado Maamulka Puntland.

Bilowgii todobaadkii tagay ayey markale soo shaac baxday khilaafka labada Nin, kadib markii Madaxweyne Dani Qado uu ku maamusay Xildhibaanada Federaalka Ee ka soo jeeda Puntland si ay u ansixiyaan heshiiska Jihaynta Doorashada, balse Jamaal Xasan ayaan kasoo muuqan.

63910cookie-checkKhilaaf U Dhaxeeya Dani Iyo Jamaal Oo Xal Loo Waayay