3-Qof Oo Laga Afduubtay Duleedka Gaarisa

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari ee Somalia/Kenya ayaa sheegaya in 3-xubnood oo farsamo-yaqaano guryaha dhisa laga afduubta duleedka magaalada Gaarisa, kadib markii ay sida la sheegay ay qafaasheen dabley aan heybtooda la aqoon…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in 3-xubood laga afduubtay tuulada Lafaay, waxaana la sheegay ineysan u dhalan degaanka, iyagoo laga watay meeshii ay u socdeen masaafo u jirta 30-KM, iyadoo gaadiidkii ay la socdeen ay u gacan haatiyeen Dableydii afduubatay, kuwaasoo horey u sii watay, warar ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in falkaan afduubka ah uu la xiriiro is-qabqabsi u dhexeeya Beelaha wada dega degaanka, halka warar kale ay sheegayaan iney afduubteen Kooxda Shababka.

Beegsiga dadka aan u dhalan degaanka, Ciidamada iyo Shaqaalaha Dowlada Kenya ayaa aad u kordhay degaanka ku xeeran Tuulada Lafaay iyo guud ahaan degmooyinka Gaarisa, Wajer iyo Mandheere, halkaasoo ay tacadiyo ay ka wada Ciidamada Kenya iyo Kooxda Shababka.

62840cookie-check3-Qof Oo Laga Afduubtay Duleedka Gaarisa