Khilaafka Farmaajo &Xijaar Oo Horseeday Burburka Nidaamka Boliiska

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in Khilaaf Xoogan uu soo kala dhex galay Taliyaha Boliiska Mr.Xijaar iyo Farmaajo, kadib markii la isku khilaafay in Qaabka loo wajahaayo xiisadaha ka taagan Caasimada, iyadoo Warar aan la xaqiijin ay sheegeen in Taliyaha Boliiska uu Saldhiggyada ku amray iney saameyn ku yeelan Khilaafka…

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo oo aad u dhibsaday amarkaasi ayaa la sheegay inuu haatan adeegsanaayo Taliye kuxigeenka Kaniif iyo kan Gobolka Benadir Faarax Qaroole, wuxuuna ku amray iney la wareegaan Hogaanka Taliska Boliiska, kan Saldhigga Magaalada Mogadishu iyo aagaga Dagaal.

Ilo Wareedyo ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Mr.Xijaar uu culeysyo kala kulmay Wakiilada Beesha Caalamka, isagoo lagu wargeliyay inuusan ka qeyb gelin Ciidamada Boliiska colaadaha Magaalada ka taagan, waana sababta horseeday in 2-ka mid ah Taliyayaasha Saldhiggyada Boliiska (Yaqshiid iyo Shibis) u wareegaan kan mucaaradka, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in qaar kale ay u wareegaan dhinaca Mucaaradka.

Burburka ku yimid Ciidamada Boliiska iyo Xoogga Dalka ayaa la sheegay inuu sababtiisa leeyahay Farmaajo oo muddo Kordhin sharci darro ah ku dhaqaaqay, iyadoo haatan Magaalada isku diyaarineyso dagaal sokeeye oo muddo Dheer looga digaayay inuusan Farmaajo Dalka gelin.

114660cookie-checkKhilaafka Farmaajo &Xijaar Oo Horseeday Burburka Nidaamka Boliiska