Villa Somalia Oo Dhaqaale & Dacaayado Ku Khalkhalineysa Doorashada

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujineysa in Villa Somalia oo kaashaneysa Dhaqaale & Baafinta dacaayado ayeey ku fooonayaan sidii Kuraasta Hop#138 & Hop#147 oo qoondo Haween looga dhigi lahaa iyagoo kaashanaaya Faadumo Maxamed Cabdulahi oo qaabilsan qoondada haweenka Guddiga Doorashooyinka…

Faadumo Yaa Ka dhex Hadlaaya, sida ay xogtu tilmaameyso waxay hooyo u tahay Madaxa canshuuraha Qaadka Abdifitah Faysal, Waxas shaqada geeyay Cali yare oo saami dhaqaale ka qaata Qaadka Ethiopia, isagoo ka quustay kursiga uu u tartamayay.

Wararka ayaa sheegay Faadumo waxey u doodeysaa qoondo dumar balse beesheeda Gabar Xildhibaan ah kuma jirto waxaana iyada guddiga ku daray Cabdiraxmaan Dheere oo Jubaland kursi ka soo waayay sidaas waxaa sheegay Dad si dhow ula socda.

Dhanka kale Hop#053 oo iska jufada Mareexaan reer Dalal ayaa Farmaajo ka dhigay qoondo haween, Kursigaan ayaa waxaa hadda ku fadhiyey xildhibaan Faarax Cabdi Xasan, balse waxaa doorashada laga dhigay kursi ay u tartami karaan kaliya haween, Amarkaan waxaa bixiyay Farmaajo wuxuuna la rabaa musharaxad Reysal Qorane Abshir, waxaana la tartamaaya 6-kale oo Haweenah.

167710cookie-checkVilla Somalia Oo Dhaqaale & Dacaayado Ku Khalkhalineysa Doorashada