Khilaafka Somalia & Kenya Oo Laga Digay

Somalia news

2-dii sano Ee ugu dambeysay waxaa soo shaac baxaayay Khilaaf iyo dagaalo hoose (Low level War), una dhaxeeya Dowladaha Somalia & Kenya, xiisadani ayaa ka taagan degmooyinka Ceel waaq iyo B/Xaawo oo Somalia ah iyo Mandheere oo dhinaca Kenya ah, iyadoo ay soo kordhaayan khasaaraha ka dhashay dirirtaasi..

Waaxda Arrimaha Dibeda Ee Kenya oo qoraal diginin iyo hanjabaad ah usoo dirtay dhigeeda Somalia, ayeey uga digtay in aan la aqbali karin qalalaasaha ay Ciidamada Dowladda Federaalka ka wadaan gudaha magaalooyinka Ceel waaq iyo Mandheera iyo degaanada ku xeeran.

Wararka ayaa sheegay in 2-dii October Mrs.Raychelle Omamo oo ah Wasiirada Arrimaha Dibeda Kenya ayaa qoraalkeeda ku sheegtay iney uga digtay in ciidamada Somalia ay qalalaase ka abuurtay Xuduudaha labada dal, iyadoo haddii mar kale ay rabsho ka dhacdo xuduudda labada dal, ay falalka ka dhashay ay mas’uuliyadeeda ay qaadi doonaan Dowladda Federaalka.

Qoraalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii xiisadda labada dhinac ay sare uga kacday xuduudda daba-yaaqadii September, markaasi oo iska hor-imaad kooban uu xuduudda ka dhacay, kaasi oo ay ku lug lahaayeen ciidamada labada dal, waxaana xigay In Ciidamo Soomali ay u talaabaan Dhanka Kenya kuwaasoo bus dad rayid ah saaran yihiin ku rasaaseeyay duleedka Magaalada Mandheera.

65400cookie-checkKhilaafka Somalia & Kenya Oo Laga Digay