Maxaa Loo Burburiyay Dugsiga Xamar Sare

Somalia news

Iyadoo falka lagu weeraray Dugsiga Hoyga Xamar ay ka dhalatay fal-celin xoog-leh iyo cambaareyn ay kala kulmeen Saraakiisha Dowladda muddo xileedkeedu uu dhamaaday, kadib markii ciidamo Booliska ah oo wata gaadiida dagaalka ay burbriyeen qeyb muhiim ah oo ka mid ah Iskuulkaasi….

Caadiyaan marka dib loo eego Hanaanka loo maray, Waxaa wararka qaarkood ay sheegaayaan iney ku lug yeesheen Go’aanka Baarista Kiiskaan Xafiisyada Taliska Boliiska, Baarista Dembiyada, Xeer ilaalinta, Maxkamada Gobolka, Xafiiska Garyaqaanka iyo Xafiiska Madaxtooyada Villa Somalia.

Xiisadaan Dugsiga hoyga Xamar haddii Mas’uul kasta iska fogeysay yaa ka dambeeyay? In dhul fulin lagu sameeyo waxa uu u baahanyahay howl badan. Ugu dambeyn waxaa la isku furtay wiilkii dhalinyarada ahaa ee Taliyaha qeybta ee xilka laga qaaday oo arrinta oo dhan lagu gediyay, Cadaalada Maamulkaan miyaa lagu aaminaaddu karaa 4-Sano kale.

98320cookie-checkMaxaa Loo Burburiyay Dugsiga Xamar Sare