Wararka ka imaanaaya Konfurta Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in halkasi lagu qabtay doorashada 13-kursi oo harsanaa dhameystirka 27-xubnood ee Golaha Deegaanka Magaaladaas oo muran ka taagnaa xiliyadii ugu dambeeyay…..
Xubnaha la doortay waxa ay dhameystir u noqonayaan 27-ka Xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Degaanka magaalada Gaalkacyo dhanka Konfurta oo maamul ahaan ah maamulka Galmudug, Golahaan ayaa maalinta Isniinta ah todobaadka soo socda kuna beegan 26-ka Oktoobar 2020 dooranaya Duqa Magaalada Gaalkacyo oo ay u tartamayaan musharixiin buuxisay shuruudaha lasoo bandhigay.

Mas’uuliyiin katirsan DG Galmudug & Xubno ay kamid yihiin Ergada dooratay Golaha Wakiilada ayaa sheegay in la gacan-bidixeynayo kuraasta qaar oo dano gaar ah laga leeyahay, iyadoo hataan laga gudbay muranka, Golahaan la filaayo inuu dhowaan bilaabo howlaha loo igmaday.