Maxaa Keenay In Mowqifka UAE Ee Somalia U Isbedelo

Somalia news

Xiriirka Somalia iyo Imaaraadka Carbeed oo in mudda ah heerkii ugu hooseeyay marayay ayaa u muuqda mid isbeddel aan la filayn ku socdo., iyadoo Warar qaarkood ah sheegayaan in Xiriirkii u dhaxeeya Qadar iyo Farmaajo uu xumaaday kadib markii ay diideen iney dhaqaale ku taageeraan Musharaxnimo Farmaajo iyo Xubin Xildhibaan Ee Adeegahoodii Fahad Yasin…

Talaabadaasi ayaa la sheegay iney ku riixday Farmaajo iyo Fahad iney bedelaan qorshahooda, Waxaa la sheegay iney xiriiro qarsoodi ah la sameeyeen Dhaxal-sugaha UAE, iyagoo ka codsaday inuu xiriirka UAE iyo Somalia dib loo soo nooleeyo.

Wasiirka 1-aad ee Dowladda Xil gaarsiinta Mr.Rooble ayaa June 8, 2021 qaabbilay Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Somalia, Maxamed Axmed Othman Al-Hammadi oo aan tan iyo December 2019 cag soo dhigin dalka,

Su’aasha isweydiinta u baahan ayaa ah: Maxaa keenay isbeddelka siyaasadda Imaaraadka ee Somalia? Mase laysku aamini karaa dal lid ku ah madaxbannaanida iyo midnimada qaranka?

Wargeysyada qaarkood ayaa faalo Dheer ka qoreen in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u gargelyooday Maxammed bin Zayed al-Nahyan, haddana isbeddelka siyaasadda dibedda ee dalkaas waxaa loo aaneyn karaa dhowr arrimood: (1) Hoggaanka Mareykanka ee Joe Biden oo la yimid siyaasadda ka duwan tii Donald Trump; (2) Caabuqa Covid-19 oo dhulka la dhacay dhaqaalihii kibirsanaa ee shidaalka; iyo (3) Guuldaro dhaqaale iyo ciidan oo ay kala kulmeen colaaddihii dunida ku cambaareysay ee Libiya iyo Yamen iyo Xiriirka UAE Ee Maamulada Somaliland, Jubbaland iyo Puntland oo go’doon ka gelisay Dalka intiisa kale.

Dhinaca kale, Riyaad iyo Abu Dhabi oo u muuqday kuwo aan kala maarmi ayaa isku seegay dhaqan-siyaasadeedkii “muruq isku muquuninta” oo Amiirada Maxamed bin Abdullah iyo Maxammed bin Zayed al-Nahyan oo ay ku wiiqi jireen dalalka danahooda ka horyimaad.

Waxase cajiib leh in dib uga gurashadii Farmaajo afgambigii dimuqraadiyadda uu laftiisu dhalay rajo aan horray loo filayn. Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS oo kaashanaya shirkadda LFA Holding oo ah “lobbyist” ayaa awood u helay inuu xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka iyo “State Department”- hordhigo aragti ka duwan tii laga qabay dalka.

Fashil Siyaasadeed Farmaajo

Siyaasada Farmaajo ayaa xiligaan noqotay mid Maalin ku nool ah, wuxuu xiligaan u baryo tagay UAE oo muddo 4-sano ah Dalka o Siyaasadeed ka galay, isagoo weliba naceybkiisa iyo colaad uu hayay UAE ku baahiyay Dalka Kenya iyo Dowlad goboleedka Jubbaland.

Ma suurtowdo in labada dhinacba (Muqdisho iyo Abu Dhabi) ay ismoogaysiiyaan dhibaatadii ka dhalatay 4-sano Ee dagaalka u dhaxeeyay taasoo ka dhigay UAE dawladda faraggelinta iyo dagaalka ugu ba’an ku hayso  dibudhiska dowladnimada Somalia halisna ku ah xasilloonida dalka iyo tan gobolkaba.

Waxaa kaloo iyadana meesha jira gacansaarka lidka ku ah madaxbannaanida iyo midnimada qaranka oo dowladda Imaaraadka ay la leedahay Kenya.


124210cookie-checkMaxaa Keenay In Mowqifka UAE Ee Somalia U Isbedelo