KOOX WATAY HUB & RASAAS BADAN OO BOOSAASO LAGU QABTAY

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa War ka soo baxay Taliska Qaybta Boliiska Gobolka Bari (Puntland), ayaa lagu sheegay in Laamaha kala duwan ee Ciidamada oo hawlgal wadajir ah fuliyay ay gudaha Boosaaso ay ku qabteen koox hub iyo raasas sharci darro ah heystay…

Wararka ayaa sheegey in Laamaha kala duwan ee Amniga Gobolka Bari, oo kaashanaaya dadka degaanka ay hawlgal qorshaysan ku qabtay Kooxdaan, kuwaasoo la sheegay in haatan baaritaan  ku socdo kooxda hubka lagu qabtay, islamarkaana natiijada baaritaanka ka soo baxda la la wadaagi doono Hey’addaha Garsoorka iyo Cadaalada.

Hawlgalka waxa si wadajir ah u fuliyay Ciidamada Booliiska, Nabad-sugidda, Madaxtooyada iyo Booliiska gaarka ah ee PMPF, iyagoo iskaashigaan la sheegay in horumar laga Sameeyay sidii looga hortagi lahaa kooxaha Nabada khalkhalka ku haya.

113400cookie-checkKOOX WATAY HUB & RASAAS BADAN OO BOOSAASO LAGU QABTAY