Diyaarad Dab Ka Kacay Xili ay Ku Degtay Doolow

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Diyaarad xamuul siday nooceedu yahay C-160 Oo uu dab ka kacay xilli ay ka degtay garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, iyadoo Ciidamada degaanka ay gurmad kooban la sheegay iney u fidiyeen..

Xogtaan ayaa sheegtay in Diyaaradaan oo ku diiwaangashan EY 360 una kireysneyd Farmaajo Oo xiliyadii ugu dambeysay ka wada Degmada Dhisme Isbitaal la sheegay inuu lagu maalgeliyay 5-Millions US$, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegeen in Diyaarada ay siday Xamuul ka kooban Tiro Matooro dabka dhaliya.

Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Degmada Doolow iyo Maamulka garoonkaasi midna kama hadlin diyaaradaasi dabku ka kacay, iyadoo weli ay ololeyso, Wararka ayaa sheegaya in Degmada aysan laheyn Gaadiid dabdemis iyo Kooxaha gurmadka Dabka.

149280cookie-checkDiyaarad Dab Ka Kacay Xili ay Ku Degtay Doolow