Xoolo-Dhaqato Somali/Kenyan Oo la Weeraray Kadib Olole Kicin uu Bilaabay Xildhibaan Kenyan ah.. 

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa Xiisado isir naceyb ah oo dhan ka ah Xoolo dhaqatada Soomaalida/Kenya, kadib olole kicin ah uu bilaabay Xildhibaan degaanka ka soo jeeda kaasoo uu waday muddo 5-maalmood oo xiriir ah…

Wararka ayaa sheegay in Xildhibaan Nimrod Mbai oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya lagana soo doortay Bariga degaanka Kitui County uu bilaabay olole kicin ah, muddo 5-maalmood ah, dhana ka ah Xoolo dhaqatada Soomaalida kuwaasoo daaq u xoolaha Geela u geeyay nawaaxiga Degaanka, isagoo si cad u sheegay iney howshiisu tahay “ in si walba loo dabar gooyo Geela”.

Wuxuuna ku eedeeyay Xoolo-dhaqatada Soomaalida iney Geelooda daajiyaan beeraha degaanka, isagoo qirtay in Ololihiisa ay ka dhasheen dilkii ay Dadka degaanka u geysteen Xoolo dhaqatada iyo Geelooda, Xildhibaanka ayaa faanay in kicintiisa ay ka dhasheen khasaare kor u dhaafaya 56-qof lagu dilay inkastoo Madaxa Boliiska ee bariga degaanka Kitui uusan ka war qabin dhimashada ka dhacday degaanka.

Wasiirka Gaashandhigga Dowladda Jenya Mr.Aadan Barre Ducaale ayaa todobaadkii hore ka hor qirtay Baarlamaanka inuu degaanka Kitui ay u joogaan 231 Geel ah uu iska leeyahay, inta badan Geelaasi waxaa iska leh Ganacsato Soomaalida/Kenya, kuwaasoo xoolahooda Biyo & Baad ugu raadsaday, Xildhibaanka ayaa Dowlada ku eedeeyay iney la safan tahay Xoolo dhaqatada.

220840cookie-checkXoolo-Dhaqato Somali/Kenyan Oo la Weeraray Kadib Olole Kicin uu Bilaabay Xildhibaan Kenyan ah.. 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com