Kooxda Argagixisada Shababka oo Weerar & Qaraxyo ku qaaday Xero Ciidan Degmada Afmadow

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ayaa laga helay Weerar lagu qaaday aroortii hore ee saakay farsiin ay ku leeyihiin duleedka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo wararku ay sheegayaan in weerar uu dhaliyay Khasaare dhimasho iyo dhaawac…

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu bilaabay Qaraxyo kuwaasoo loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo sidoo kale ciidamadii ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in weli xaaladdu ay cakiran tahay, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay weerarkaasi, kooxda Argagixisada oo war kasoo saartay waxa ay shaacisay inay beegsatay gudaha saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan milatariga Somalia iyo kuwa Jubbaland, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiisay askartii iyo saraakiishii ku sugneyd halkaasi, walow aysan sheegin tiro rasmi ah.

241610cookie-checkKooxda Argagixisada Shababka oo Weerar & Qaraxyo ku qaaday Xero Ciidan Degmada Afmadow
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com