Share the post "Kooxaha Mucaaradka & Kuwa Argagixisada miyaa Heshiis ku ah Khalkhal gelinta Amniga Caasimada.."
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay warar been abuur ah oo ay baafinayaan Kooxaha Mucaaradka kuwaasoo sheegaya inta u dhaxeysa Degaanada Lafoole iyo Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Mogadishu lagu arkay Koox hubeysan oo ka tirsan Argagixisada Shababka..
Dhacdooyinkaan been abuurka ah ayaa la tilmaamay in Kooxaha Muxaaradka ay dhibco siyaasadeed ku raadinayaan bacdamaa ay ku fashilmeen iney Shacbiga Soomaaliyeed la iibiyaan Barnaamijyo siyaasadeed oo Dalka iyo Dadka horumar iyo Nabad gaarsiin karan, taa badelkeeda waxey buunbuuninayaan falalka kooxaha argagixisada ee dhibaatada ku haya Dadka rayidka sida Weerarkii Degmada Balcad iyo midka ka dhacay Degaanka Aw-dheegle.
Weerardaan ayaa kusoo aadayo, iyadoo todobaadkii hore ay sidaan oo kale weerar qaraxyo iyo dagaal toos ah ay Maleeshiyaadka argagixisada Shabaabku qaaday Hoteel ku yaala magaalada Beledweyne, kaasoo lagu dilay odayaal dhaqameedyo iyo Saraakiil ciidan, Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaabka, kadib markii ay culeys soo saareen deegaanadii horay looga qabsaday ee Gobolladaasi.
Waxaa markhaarti madoonta ah in Xubno ka mid ah Tartamayaasha Xilka Madaxweynaha ay qaarkood u arkaan in keliya ee lagu fashilin karo hannaanka doorashada qof iyo codka ah ay tahay in degaanadii laga xoreeyay ay kooxda Argagixisada Shabaabka dib u qabsadaan, si loo yiraahdo meel doorasho lagu qaban karo ma jirto, xiligasn waxaa muuqata in di bareer ah loogu ololeeyo falalka guracan ee kooxaha Argagixisada, waana ayasn darro.