Golaha Amaanka oo ku Guuldareystay in Codka loo qaado Qaraarka Xabad joojinta ee Xasuuqa Gaza..

World

Waxaa Fashilmay isku day kale oo Xubnaha Golaha Amaanka ee QM ku doonaayeen in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza, iyadoo ay sii socdaan Duqeymaha aan loo merl dayin ee Ciidamada Israel ku hayaan magaalada, isku daygaan ayaa waxaa isbaaro u dhigtay USA oo Taageero Hub iyo Rasaas u fidiya Israel…

Qaraarkaan oo ay soo diyaarisay Dowladda Emirate-ka Carabta, wuxuuna daarnaa joojinta colaadda, si gargaarka bani’aadantinimo loo gaarsiiyo magaalada go’doonsan, Codeynta ayaa markii hore la qorsheeyay habeenkii Isniinta, ka hor inta aan dib loogu dhigin habeenkii Talaadada, si loo ogolaado waqti dheeri oo gorgortan ah.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya in ilaa goor dambe oo xalay ay socdeen wada-xaajoodyadaan, si xal lagaga gaaro xalinta qaraarka qabyada ah, iyadoo USA oo u adeegaya danaha Israel aysan weli ku qancin qaabka loo dhigay qaraarka qabyada ah ee weli ku baaqaya in colaadda la joojiyo, waxaana la filayaa in maanta gelinka dambe in kulanka dib la isugu soo noqdo.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Talaadadii sheegtay in tirada Dadka ee ay Ciidamada Israel dileen ay gaartay 19,667 qof, in ka badan 52,586 kalena ay ku dhaawacmeen duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

294460cookie-checkGolaha Amaanka oo ku Guuldareystay in Codka loo qaado Qaraarka Xabad joojinta ee Xasuuqa Gaza..