Lab Eedeysane oo Dhex Dilay Maxkamada Magaalada Jowhar

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya fal Dil ah ayaa gudaha Maxkamada degmada Jowhar ka dhacay waxaana loogu geystay 2-Eedeysane oo loo haystey dilka wiil yar oo saddex sano jir ah…

Wararka ayaa sheegay in markii ay Dhagaysiga Maxkamada ay soo dhamaatay lagana soo saaray maxaabiista qolka dhagaysiga maxkamada ayaa waxaa rasaas ooda ugaga qaaday labada aeedeysane Askari la sheegay inuu dhalay wiilka lagu eedeynayay maxaabiistan.

Askariga dilka geystey ayaa ka baxsaday goobta waxaana la sheegay inay la socdaan ciidamo kale oo ilaalo u ahaa, Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in askariga dilka geystey uu ka tirsanaa ciidamo la magac baxay AFJAR kuwaasoo xaruntoodu tahay deegaanka Xawaadley.

Maxaabiista la diley ayaa loo haystey dilka wiil saddex sano jir ah oo meydkiisa xilli laga helay kanaalka Barwaaqo ee magaalada Jowhar, Meydka wiilka ayaa ka muuqday sida la sheegay jirdil waxana qoorta uga xirnaa xarrig. Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay ciidamada booliska degmada Jowhar.

242040cookie-checkLab Eedeysane oo Dhex Dilay Maxkamada Magaalada Jowhar