Share the post "Kooxda Argagixisada Shababka Oo Dhaqaale xumi baahsan Soo Food Saartay Kadib.."
Warbixino hordhac ah ayaa tilmaamaaya in kadib markii Saraakiisha Baarayaasha Dowladda Federaalka ay qaadeen talaabooyin dhowr ah oo lagu xanibayo Dhaqaalaha Ganacsatada siin jirtay Baada kooxda Shabaabka iyo kuwa Akoonadooda ugu jira ayaa arrintaasi saameyn muuqata waxey ku yeelatay Gunooyinka la siin jiray Makeeshiyaadka kooxdaasi…
Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Kooxda Shabaabku ayhore Gunno ahaan u siin jirtay dableyda u dagaalanta lacag u dhexeysa $50 ilaa $100, balse haatan Dabley kasta wuxuu Gunno ahaan u qaadanayaa lacag $10 ah, waxaana suura gal ah in intaasba la waayo, maadaama culeyska saaraan kooxdaasi uu sii laba jibaarmayo.
Aqoonyahannada ku xeel dheer arrimaha amaanka ayaa saadaalinaya iney talaabadani keeni karto iney kala daadato isku xirnaantii iyo midnimadii kooxda oo maleeshiyaadka bilaabaan inay isu soo dhiibaan Ciidamada Dowlada, maadaama degaanadii ugu balaarnaa ee kooxda oo ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug laga saaray.