Dadaalo ay Wadaan Dalalka Daneeya Somalia iney Mowqif Mideysan Ka Qaataan Xayiraada..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in si xowli ah ay u socdaan dadaalo lagu ballaarinayo saameynta ay yeelan doonto cunaqabaeynta Dal kugalada ah ee ay dowladda Mareykanku kusoo rogtay Shaqsiyaad Soomaaliyeed ee ay aaminsan tahay iney ku xanibeen geedi socodka Doorashooyinka…

Wararka ayaa sheegay in Dalal badan oo xulafo iyo la mawqif ah Mareykanka, oo ay ka mid yihiin; Djibouti, Ethiopia, Italy, Norway, Kenya, Qatar, Sweden, Turkey, UAE, Uganda, iyo UK, ayaa lagu wadaa iney dhawaan siyaabo kala duwan ugu biiraan arrinta cunaqabateynta visayaasha..

Xogta ayaa tilmaamtay in qiyaastii Tiro u dhaxeysa 50-60 magac oo isugu jira madax, Siyaasiyiin, Saraakiil, iyo Qoysaskooda ay safja hore kaga jiraan xanibaadaan, iyadoo laga cabsi qabo iney saameyn ku yeelato Xilalka sare ee Dalka Dadka xusul duubka ugu jira iney hantaan.

171970cookie-checkDadaalo ay Wadaan Dalalka Daneeya Somalia iney Mowqif Mideysan Ka Qaataan Xayiraada..