Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Xassan & Danjiraha Mareykanka ee QM?

Somalia news U.S.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan uu Madaxweynaha Dowlada Federaalka Mr.Xasan Sheekh uu shalay kula qaatay dhismaha Safaarada Mareykanka ee garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Ergeyga Dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Mrs.Linda-Greenfield Thomas…

Mr.Xasan Sheekh ayaa warbixin ka siiyay Danjirada Mareykanka guulaha Ciidamada Dowladda ay ka gaareen furimaha dagaalka ee kooxda Argagixisada iyo xoreynta degaannada wuxuuna ku bogaadiyey dalka Maraykanku gacanta weyn ee ay ka geysanayaan la dagaallanka argagixisada Shababka, waxa uuna tilmaamay khatarka argagixisadu ay ku hayaan Gobolka.

Mr.Xasan ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cunaqabetynta hubka ee saaran Somalia dib u dhiska Ciidamada iyo dadejinta dabar-goynta Argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey Danjire LindaThomas iney codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Federaalka ee laalidda cunaqabateyntaasi, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Dowladda ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Safiirada Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen la dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey ee muddada ay curyaamiyeen, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga qeyb qaadanyaan gurmadka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay u u baahan yihiin dadka laga xoreeyey argagixisada.

239800cookie-checkMaxay ka wada-hadleen Madaxweyne Xassan & Danjiraha Mareykanka ee QM?
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com