Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qaraxyo ku bilowday oo ay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada Shabaabka saakay ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Dowlada oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose, waxaana xigay dagaal toos ah…
Wararka ayaa sheegaya in Weerarka uu ku bilaawday Gaari Miineysan lagu bartilmaameedsaday Fariisinka Ciidamada ee Sabiib kadibna waxaa xigay is-rasaaseyn dhex maray labada dhinac kaasoo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay, sida ay sheegeen xuuraano loo qaateen ah.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaqdhaqaaqyo laga dareemayaa nawaaxiga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeeladaa Hoose, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, taasoo uga sii dareyso dagaalka ka socda halkaasi, weerarkasn ayaa ku soo beegmay xili todobaadkii tagay ay weerareen kooxdani degaanka Awdheegley.