Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo Dib u Cusboobeysiiyay Howlgalka UNISOM ee Somalia..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New york ayaa sheegaya in Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo u codeeyey dib u cosbooneysiinta shaqada Howlaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Somalia (UNSOM)…

Wararka ayaa sheegay in Golaha Amaanka uu muddo 12 bilood oo kale ah u kordhiyey Hawlgalka Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Somalia (UNSOM) si Dowlada Federawlka looga taageero howlaha dib u kabashada ee ay Dowladdu wado, “Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Golaha Amaanka ee QM ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in dib loo cusboonaysiiyo shaqada Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ee ku salaysan taageerada  dawlad dhiska iyo nabadaynta Somalia, muddo 12 bilood oo kale ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska UNSOM.

Howlaha Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Somalia (UNSOM) ayaa ku salaysan taageerada Dowlad dhiska iyo Nabadaynta Somalia, iyadoo aan la ofeyn in Xafiiska ATMIS ay Dowladu dalbatay in muddo 3-bilood dib loogu dhigo iney aqbli doonaan Golaha Amaanka.

285260cookie-checkGolaha Amaanka Qaramada Midoobay oo Dib u Cusboobeysiiyay Howlgalka UNISOM ee Somalia..