Dagaal Dib uga Soo Cusboonaaday Aaga Fariisimada Somaliland ee Gooje cadde.

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in Xoogaga hubeysan ee Degmada Laas caanood ay weerar kedis ah ku qaadeen fariisimada Maleeshiyaadka Maamulka Somaliland ee ku sugan Xerada Gooje-cadde, waxaana jira khasaare kala gaaray dhinacyadaan oo rasmi ah loo xaqiijin karin..

Wararka ayaa sheegay iinuu goobta ka dhacay dagaal qaraar oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana mararka qaar la maqlayay madaafiic iyo Hoobiyayaal ay dhinacyada is weydaarsanayeen, Dadka degaanka ayaa soo wariyay inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalkan, walow aan si rasmi ah loo ogeyn xadiga uu gaarsiisan yahay khasaaraha labada dhinac soo kala gaartay.

Dirirtaan ayaa uga sii daraya xaaladii magaalada, waxaana guul dareystay dadaalo lagu bixinayay in lagu wada hadalsiiyo SSC iyo Somaliland, Garaadada ayaa dalbanaya in Somaliland degaanka baneyso kadibna wadahadal la aado, balse maamulka Muuse Biixi ayaa arrintaasi hoos u dhigay.

251910cookie-checkDagaal Dib uga Soo Cusboonaaday Aaga Fariisimada Somaliland ee Gooje cadde.