Ururka Daacish faraceeda Somalia, ayaa soo saaray muuqaal cusub oo diirada lagu saarayo in kooxda mar kale ku dhawaaqday inay ololaheeda Dhanka ka ah Dowladda Federaalka iyo maleeshiyaadka Kooxda Shababka, kadib markii xiliyadii ugu dambeeyay uu hoos u dhac ku yimid Howlgalada ay wadaan Gobolada Konfurta iyo Bartamaha Dalka…
Muuqaalka cusub oo la soo duubay, waxay Daacishta ugu hanjabtay Dowladda Federaalka, Maamulka Puntland iyo Kooxda Shabaab, Ee gacan saarka la leh kooxaha Taalibaan iyo Al-Qaacida, Kooxda Daacish waxay sheeganeysaa inay fashilisay shirqoolo badan oo ay ka dambeeyaan Maleeshiyaadka Kooxda Shababka.
Daacish waxay muuqaalka kusoo bandhigaysaa, maxaabiis, dagaalamayaal uga dhintay weeraro ka dhacay gudaha Somalia, waxaa sidoo kale kasoo muuqanaya saraakiil sare iyo askar cusub oo ay qoratay, Waxaa sidoo kale kasoo muuqanaya hub ay kusoo furteen dagaalo iyo sida ay u qorsheeyaan weerarada.