Dhismaha Safaarada Somalia Ee Kenya Oo La Xiraayo

Somalia news

Safaaradda Somalia ee Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya ayaa waxay bilowday iney dhaqan-geliyso shaqo-joojintii ay ku dhawaaqdey bartamihii todobaadkan kadib markii ay go’aanka Dowlada Federaalka ay xiriirka ugu jartay Kenya…,

Ilo wareedyo loo-qaateen ah ayaa xaqiijiyey in Diblomaasiyiinta Safaaradda oo tiradoodu gaareyso 18-xubnood ayaa lagu wadaa iney Caasimada Muqdisho ku laabtasn ugu dambeyn Isniinta todobaadka dambe, Xogta ayaa intaasi raacisay in shaqaalaha safaaradda oo dhan 46 ay baaqi kusii ahaan doonan guriyahooda illaa amar dambe.

Dhismaha Safaarada ayaa lagu wadaa in albaabadda la isugu dhufan doono kadib bixitaanka diblumaasiyiinta iyo fasaxa shaqaalaha, iyadoo Safaaradaha Jabuuti, Qatar ama Ethiopia ay midkood ka wakiil noqon doonto Safaarada.

Mr.Farmaajo ayaa ku sii jeeda Jabuuti Maanta, wuxuuna halkaas kaga qeybgeli doono shir ay leeyihiin hogaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD. Ajendaha shirka waxaa kamid ah xaaladda gobolka Tigray ee waqoyga Itoobiya iyo cabashadii ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay dhigeeda Kenya kahor inta aysan xiriirka u jarin – qodobkaas oo la filayo in madaxda ay ka doodaan.

Uma badna in Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, uu kasoo muuqan madasha shirka. Balse waxaa loo maleynayaa inuu wakiil diri doono ama uu qaab fogaan arag ah kaga qeybgeli doono.

79750cookie-checkDhismaha Safaarada Somalia Ee Kenya Oo La Xiraayo