Maamulka Muuse Biixi Oo Magacaabay Gudoomiye Gobol oo Dibad Joog ah..

Somalia news

Qoraal kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Somaliland ayuu ugu magacaabay Cabdikariim Siciid Aw-Cabdi, inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool, kaasoo dibad joog ka noqon doona degaanka, Xafiiskiisana ka dhigan doona degaanka Caynaba…

Wararka ayaa sheegay in Guddoomiyihii horey ugu magacownaa Somaliland Gobolka Sool, (Cabdiqani Maxamed) oo kasoo jeeday Beesha Madaxweynaha ayaa loo wareejiyay Degmada Gabiley, Guddoomiyaha la magacaabay oo kasoo jeeda asal ahaan Beesha degta SSC-KHAATUMO ayaa ah ganacsade Qaad.

Shaqsigaan la magacaabay ayaa la sheegayaa inuu xiriir dhow la leeyahay Wiilka Muuse Biixi, wuxuuna ka mid ahaa kooxdii Keenista Qaadka Degmada Laas caanood ku heystay Maxamed Jabuutaawi, isagoo xiligaasi Wakiil ka ahaa Sisto iyo ina Muuse Biixi, xiligaan ayaa la sheegay inuu kamid ahaa koox shirko ku ah Qaadka la geeyo Magaalada Ceergaabo.

255420cookie-checkMaamulka Muuse Biixi Oo Magacaabay Gudoomiye Gobol oo Dibad Joog ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com