Kooxda Shabaabka Oo Dad Rayid ah Ka Afduubtay Degaanka Misiri

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgalo Dad rayid ahlay ku xirxireen Maleeshiyaadka kooxda Shababka kuwaasoo ka dhacay degaanka Misire oo ka tirsan Gobolka Bay, waxaana la sheegay in Dadkaan loo qaaday Xabsiyo Qarsoodi ah…

Xogtaan ayaa xaqiijisay In Dadka la xiray ay tiradoodu dhan tahay 4-qof, Qabashadaan ayaa ka dambeysay kadib markii 12-kii Bishaan Oktober isla degaanka laga qabtay 4-qof, Dhamaan Dadka la xiray ayaa lagu eedeeyay iney Ganacsigoodii u wareeginayaan Degmada Diinsoor, Dadka la xiray shalay waxey magacyadoodu kala yihiin:-

-Shaaciye Cusman Madkuus -Ibraahim Cabdiqaadir -Macalin Madeey -Kawalaawe

Dhanka kale, Dadka ayaa xaqiijiyay in Qarax weyn laga maqlay wadada u dhaxeysa Degmada Diinsoor iyo Tuulada Yaaqbariweybe, iyadoo kadib dadka degaanka arkeen Diyaarad dagaal oo dul heehaabeysa goobta qaraxa ka dhacay, waxaana loo maleynayaa in la beegsaday Xubno ka tirsan Shababka Oo gadiid la socday.

146510cookie-checkKooxda Shabaabka Oo Dad Rayid ah Ka Afduubtay Degaanka Misiri