Maxaa Ku Riixay Somalia iney ka Aamusto Codeyntii Qararkii lagu Oggolaanayay Xasuuqii Srebrenica..

Somalia news World

Golaha guud ee loo dhan yahay ayaa Codeyn u qaaday Qarar lagu maamuusaayo ku dhawaaqida 11 Luulyo maalin sanadle ah oo xusuusta dhibanayaasha xasuuqii Srebrenica 1995 ee ay u geysteen Ciidamada Serbia Muslimiinta Bosnia Herzegovina…

Siyaasada Fashilka ah ee Maamulka Villa Somalia ayaa ku riixday in Go’aanka Dowlada uu noday iney ka aamusaan qaraarka la horgeeya Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, wuxuuna shaki gelinaya Muslinimada Somalia, maadaama uusan Dalku si qarsoodi ah u codeyn qaraarkii xasuuqa ee Srebrenica.

Dalalka Somalia, Marooko iyo Israa’iil ayaa ka mid ah 20-ka Dal ee aan codkooda dhiiban, iyadoo Qaraarka Qaramada Midoobay uu 11-ka Luulyo u aqoonsato maalinta caalamiga ah ee sannadlaha ah si loo xuso xasuuqii ay ciidammada Serbiyiinta Bosnia u geysteen in ka badan 8,000 oo qof oo isugu jiray wiilal iyo rag Muslimiin Bosnia ah.

Dalka Djibouti ayaa ka mid ah 84-ka Dal ee u codeeyay qaraarkan, halka 19 dal ay diideen, Somalia, Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Sudan ayaa ka mid ah 68 Dalalka oo ka aamusay Qararkaan, waan Fashil iyo Fadeexad oo Maamulka Xasan Sheekh u horseeday Siyaasada Arrimaha Dibeda ee Dalka

328380cookie-checkMaxaa Ku Riixay Somalia iney ka Aamusto Codeyntii Qararkii lagu Oggolaanayay Xasuuqii Srebrenica..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *