Kooxda Shabaabka Oo Qabsatay Degaanka Camaara

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay Saakay aroortii ay Kooxda argagixisada Shababka ku qaadeen degaanka Camaara oo ka tirsan Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug (Galmudug), weerarkaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh..

Weerarka ayaa ku bilowday qarax gaari ismiidaamin ah oo lala beegsaday saldhig Ciidamada isku dhafka ah iyo kuwa Galmudug, Waxaana kadib xigay dagaal culus kaasoo ka dhacay kalabeyrka oo ah isgoys muhiim oo isku xira Camaara, Bacaadweyne iyo Sirgo.

Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Camaara inoo xaqiijiyeen in Kooxda Shababka ay si buuxda ula wareegeen magaalada. Waxeyna gudaha u galeen Magaalada Camaara, kusoo bandhigeen ilaa 6 gawaari dagaal oo ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaalka, Tiro saxa ah ilaa hadda lagama hayo khasaaraha nafeed ee kala gaaray labada dhinac Balse tira badan oo meydad labada dhinac ah yaalaan gudaha iyo daafaha Magaalada.

137000cookie-checkKooxda Shabaabka Oo Qabsatay Degaanka Camaara