Maamulka Xasan Sheekh Oo Lagu Eedeeyay iney si Qasab ah ku Askareynayaan Dhalinyarada

Somalia news

Qeylo dhaan xoogan ayeey soo saareen qaar ka mid ah Hooyooyinka caruurtooda ay Dowladda Federaalka sida qasabka ugu qoratay iney ka ka mid noqdaan Ciidamada Dowlada ee Tababarka loogu qaadayo Dalalka Masar iyo Suudaan, iyadoo maalintii shalay Dhalinyaradaan qaarkood lagu rasaaseeyay Xeryo Ciidan…

Qaar kamid ah Hooyooyinka magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Maamulka Xasan Sheekh inay carruurtooda ku xareeyeen xerooyin ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, si loo askareeyo, Hooyooyinkaan ayaa xalay Muqdisho ka sameeyay iskusoo bax ay ka dhigeen xerada Mariiniska ee degmada Xamar Jajab, halkaas oo la sheegay inay ku xaraysan yihiin dhallinyaro loo qaadayo dalka dibbadiisa, si tababar ciidan usoo qaataan.

Waxeyna cod dheer ku sheegeen inaysan ogayn xilliga la qoray carruurtooda, iyo halka loo wado. Waxay kaloo sheegeen in carruurtooda markii ay dalbadeen in lagusoo wareejiyay loo diiday, lana rasaaseeyay, “Saan Sharaf ma ahan, Xasan Sheikh ilmaheennaa ka rabnaa. Hal wiil ayaa iga maqan, Waa la ii diiday in la igu wareejiyay, Waxaa naloo sheegay in si xoog ah lagu askaraynayo, sidaas waxaa sheegay mid kamid ah hooyooyinka warbaahinta la hadlay.

Si kastaba ha ahaatee, cabashada waalidiinta ayaa kusoo aadaysa, iyadoo maalmahan ay soo baxayeen warar sheegaya in Dowladda Federaalka ay Dhalinyaro u dirayso Dalalka Masar iyo Suudan, si loogusoo tababaro, Maamulka Xasan Sheekh ayaan weli kama jawaabin cabashada kasoo yeertay waalidiinta, iyadoo arrintan ay kusoo aaday xilli Dowladdu ay dalka dib ugusoo celisay qaar kamid ah ciidamadii lagusoo tababaray Eritrea.

232510cookie-checkMaamulka Xasan Sheekh Oo Lagu Eedeeyay iney si Qasab ah ku Askareynayaan Dhalinyarada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com