Qodobo Horseeday In Lagu Diido Hab-raaca ay Soo Saareen Golaha Wadatashiga

Somalia news

Waxaa durbadiiba soo baxay diidmo xoogan oo laga keenay Qodobadii ay ku heshiiyeen isla markaasna ay soo saareen Shalay Golaha Wadatashiga Qaran, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Hab-raacyada, dhiiri gelinta daah furnaanta, Maamulka Maaliyada, Xulista Ergada, Amniga Doorashada iyo ilaalinta qoondada Haweenka…

Go’aankaan ayaa dhaliyay diidmo xoogan oo laga keenay iyo in lagu hanjabo in aan laga qeyb gelin Doorashada dadban, iyadoo farta lagu fiiqay 5-Qodob oo mugdiga horseday kuwaasoo kala ah:-

Xulista Ergooyinka Xildhibaanada iyo Koorumka:-

Hogaamiyayaasha ayaa isku raacay tirada ergada wax dooranaayo ay noqoto 101, ayna soo xulaan Odayaasha Dhaqanka ee ka diiwaan gashan Gobolka, waxaana hubin doona Guddiyada Doorashada ee Heer Gobol.

Go’aanka ayaa meesha ka saaraya Odayaasha Dhaqanka ee ka diiwaan gashan Wasaarada Arrimaha gudaha kuwaasoo tiradoodu tahay 135-Oday Dhaqmeed.

Qodobka kale ayaa ah Ururka Bulshada Rayidka ayaa lagu kordhiyay iney ka mid noqdaan Ergada wax soo xuleysay.

Qodobka kale Ee tuhunka dhaliyay waxaa ka mid ah Kooromka, iyadoo ay isku raaceen inuu ansax noqdo marka ay joogaan ugu yaraan 2/3 Ee Ergada.

-Amniga Doorashada & Saameynta Sirdoonka NISA:-

Sida ku Heahiiska waxey Golaha isla qaateen in la diyaariyo Ciidan gaar u ah Amniga Doorashada, iyadoo Guddiga Amniga Doorashada ay diyaariyaan Qorshaha Howlaha, Miisaaniyada iyo Amniga Doorashada.

Guddigaan ayaa loo xil saaray iney qaadaan khidmada Warqada Dembi La’aanta Ee Musharixiinta iyo Ergada laga rabo taasoo dhan 750-US$, Ciidamada NISA ayaana awood u Leh iney Musharixiinta ka reebaan hadii ay ku helaan Dembi.

Maamulka Dhaqaalaha Doorashada:-

Golaha ayaa ku heshiiyay iney dhisaan guddi u xil saaran uruurinta Dhaqaalaha kaasoo ka kooban heer Federaal, Maamul goboleed iyo in la furo hal xisaab Bangiyadeed, waxaana laga cabsi qabaa in Dhaqaalahaan loo adeegsado Doorashada.

-Kaalinta Guddiga Doorashada heer Federaal:-

Sida Heshiiska ku cad waxaa parking la geliyay Howlaha Guddiga Doorashada dadban ee Heer Federaal.

-Awooda La Siiyay Maamulada Gobolada:-

Kadib markii la arkay Sida ay u maareeyeen Xulista Senatorada oo ay ka muuqatay Musuqmaasuq badan iyo Nin jecleysi, ayaa hadda waxey rabaan Madaxda Maamulada Gobolada iney soo xulaan Xildhibaano gacan ku rimis ah talaabadaan oo laga digay inuu Dalka u horseedi doono dagaalo sokeeye iyo burbur.

136970cookie-checkQodobo Horseeday In Lagu Diido Hab-raaca ay Soo Saareen Golaha Wadatashiga