Share the post "Kooxdq Kormeerka Cunaqabateynta ee QM oo Xoojineysa Isbedelka Hogaanka Daacishta…"
Warbixin ay toddobaadkan soo saartay Kooxda Kormeerka Cunaqabateynta ee QM, oo ku saleysan xog sirdoon laga helay Dalalka xubnaha ka ah UN-ka, ayaa sheegtay iney jirto “hubanti sii kordhaysa” oo muujinaysa in Horjoogaha kooxda Daacish uu yahay Cabdulqaadir Muumin, oo sidoo kale madax ka ah Faraca kooxda ee Degaanada Puntland ee Somalia…
Wararka ayaa sheegaya in Dalacsiinta Horjoogaha Kooxda Daacishta (Cabdulqaadir Muumin), Doorka Muumin ee hawlaha argagixisada caalamiga ah ee Daacish marnaba shaki lama galin Xafiisyada Sirdoonada, iyadoo hogaminta Waaxda Guud ee Gobolada ee Dowladda Islaamka, taasoo u oggolaanaysa inuu xukumo laamaha kooxda ee Afrika.
Xuuraanka iyo Qiimeynta ayaa u muuqata mid sii dhiiri galineysa in Kooxdu isku balaariso Dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa, iyadoo la jaan qaadeyso Isbedelka xaaladaha Dalalka Syria iyo Iraq isla lama huraan ay tahay iney fariisimo cusub ka diyaarsadaan Qaarada Africa, Warbixinta Qaramada Midoobay ee toddobaadkan ayaa sheegtay in tan iyo weerarkaas, Muumin uu qaaday tallaabooyin lagu yareynayo in kooxda lagu soo jeediyo indhaha dibadda.