Farmaajo Oo Shuruudo Ku Xiray Heshiiska Rooble

Somalia news

Warar dheeraad ayaa laga helayaa Khilaafka iyo waan waanta Laga dhex wado Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday (Farmaajo) iyo Wasiirka 1-aad Ee Xil gaarsiinta Mr.Rooble, isagoo Ergada shuruud uga dhigay qodobo dhowr in la heshiiyo:-

-In Eedeysanayaasha Fahad Yasin, Jiis-Mareexaan iyo Yaasin Faray Kiiska Ikraan Tahliil aan wax su’aalo ah laga weydiisto karin, deg degna loo xiro Kiiska sababo la xiriira amniga Qaranka.

-In Odayaasha Dhaqanka iyo Qoyska ay Gabadha ka soo jeedo Qaataan Mag aan gorgortan laheyn kuna dhawaaqaan in Kiiska laga heshiiyay.

-Wasiirada Amniga iyo Kan Arrimaha gudaha la isku bedelo.

-In Agaasimaha KMG ah Ee NISA uu sii hayo Bashiir Goobe inta laga heshiinaayo Khilaafka jira.

Hadaba, Maxey kula tahay Akhtistoow Rooble ma aqbli doonaa Shuruudaha Farmaajo iyo Fahad.

141970cookie-checkFarmaajo Oo Shuruudo Ku Xiray Heshiiska Rooble