Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka Ee Dalalka Africa Oo Wajiyo Badan Leh

Somalia news

Dalalka Islaamka ee Qaarada Afrika ayaa siyaabo kala duwan u fasirtaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka, iyadoo Dalal ay ka mid tahay Somalia ayaa qaatay ku dhaqanka Shareecada halka Dalka Senegal ay Dowladda ka dhisan iska diideen…

Dalal badan oo Adunidaan ka dhisan ayaa fasiraad khaldan ka bixiyay Ku Dhaqanka Shareecada, waxeyna inta badan la xiriiriyaan Ciqaabo bahalnimo ah, dulqaad La’aan iyo ilaalinta Anshaxa gaar ahaan Haweenka inkastoo fasiraadani aysan ku fadhin xaqiiqda dhab ah ee ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Waxaa Maxay Xeerka Shareecada:-
Shareecadu Waa Qanuun Islaami ah Oo tilmaamaya Nidaamka qofka Muslimka ah iyo Waajibaadka lagu maamulaayo dhamaan Dadka doorta iney noqdaan Muslim, laga bilaabo Ha-dhaqanka Qofka Shaqsiga ah ilaa kan guud Sida arrimaha Qoyska, Ganacsiga. Sharcigaan waxaa ishiisa ugu weyn ay tahay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Rasuulka NNK iyo Axaadiista Saxiixa ah.

Shareecada & Dastuurka:-
Dhowr Dalka Qaarada Africa ka dhisan Sida Somalia ayaa Shareecada Islaamka wuxuu saldhig u yahay Dastuurka, lamana soo saari karo Sharci ama xeer ka horimaanaya mabd’a Guud Ee Shareecada Islaamka, laakin talaabadaani looma fasirin karo in Dalka Somalia Ay ka dhisan tahay Dowlad Islaami ah Sida Sacuudiga iyo Iiran.

164740cookie-checkKu Dhaqanka Shareecada Islaamka Ee Dalalka Africa Oo Wajiyo Badan Leh