Imise Xildhibaan Ayaa Loo Xulay Barlamaanka Federaalka

Somalia news

Waxaa si gaabis ah ku socota xulashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyadoo Boobka uu gaaray heerkii ugu sareeyay, waxaana laga dareemay inta badan Xarumaha maamul Goboleedyadda, ilaa haatan waxaana soo baxay Xildhibaano cusub oo kusoo biiri donna Golaha Shacabka xilli qaarkood aan la shaacin tartanka kuraastooda…

Guud ahaan kuraasta la doortay ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa gaaraya 75 Mudane, waxaana dhiman 200 oo mudane kuwaasoo intooda badan ay kuraastoodu taallo meelo ka baxsan caasimadda maamul goboleedyadda ama magaalada labaad ee doorashada loo asteeyay.

Doorashada Gobollada Waqooyi ayaa hoggaaminaysa iney tahay meesha ugu badan ee lagu doortay Xildhibaanada golaha Shacabka, waxaana taalla 46 kursi waxaa la doortay 24 Mudane.

Maamulka Koonfur Galbeed waxaa taalla 69 kursi waxaa la 17 Mudane.

Jubbaland waxaa taalla 43 kursi waxaa la doortay 15 ka mid ah.

Puntland waxaa taalla 37 waxaa la doortay 9 xildhibaan.

Galmudug waxaa taalla 37 waxaa la doortay 8 Xildhibaan.

Kuraasta Beelaha Banaaniga wali waxba lagama xulan.

164780cookie-checkImise Xildhibaan Ayaa Loo Xulay Barlamaanka Federaalka