Amaro Lagu Soo Rogay Ganacsato Ku Nool Degmada Diinsoor

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Diinsoor ayaa sheegaya in qaar kamid Ganacsatada ay Maleeshiyaadka Kooxda Shababka ay ku amreen iney ay bixiyaan dhaqaalaha Zakawada (Baada) iyo Canshuurta loogu talagalay, Waxaana la sheegay in looga yeeray dukeedka Magaalada…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Horjoogayaasha Kooxda u qaabiksan Dhaqaalaha ay u yeereen 7-xubnood oo Ganacsato ah ( Gadisley), kuwaasoo ku wargeliyay iney bixiyaan Canshuurta lagu leeyahay, hadii kale laga qaadi doono talaabo deg deg ah, iyadoo la sheegay in dhaqaalaha la weydistay Ganacsatadaan ay kala heer tahay.

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Bay ayaa ah degan go’doon ku jira 9-kii sano ee ugu dambeyay iyaaad diyaarada oo kaliye lagu geeyo gargaar mararka qaarne alaab iyo badeeco, sido kale ganacsatada ku nool degmada Diinsoor ayaa ah kuwa aad u yar waxaana jira ganacsato deegaanka u dhashay oo ka cararay cadaadis ugu yimid Kooxda Shababka kadib markii ay diideen Canshuur xad af ah oo ay kusoo rogtay ganacsatada.

125940cookie-checkAmaro Lagu Soo Rogay Ganacsato Ku Nool Degmada Diinsoor