Maxaa Xiligaan Keenay in Dhalinyarada Ethiopia ay ku Biiraan Kooxaha Argagixisada

Somalia news

Warbixino Sirdoon ayaa muujinaaya in sanadihii ugu dambeeyay ay aad u kordheen Dhalinyarada ka soo jeeda Dalka Ethiopia ku biireysa Kooxaha Argagixisada ee Shababka iyo Daacishta Somalia, iyadoo lagu sababeeyay in Maamulka Abiy uu ku mashquulay Dagaalka Sokeeye ee Gobolka Tigray iyo tirada Shacbiga Ethiopia oo sii kordheysa…

Tirada Dadweynaha Ethiopia ayaa 2021-kii lagu qoyaasay 120-millions, waxaana la sheegay in Shaqo la’aan baahsan ay ka jirto Dalka gudahiisa, iyadoo Maamulka Addis abeba uu dhaqaalihii shaqo loogu abuuri lahaa Dhalinyaradaan uu u wareejiyay dhanka Ciidamada iyo soo iibinta Hubka si uu u xakameeyo Kacdoonka Gobolka Tigrey, talabaadaasi oo horseeday iney Dhaliyarada u soo tahriibaan Somalia.

Saraakiil Sirdoon ayaa ka digay in Qulqulka Dhalinyarada Ethiopia ee Gobolada Waqooyiga, Degaanada Puntland ay halis ku yihiin amaanka Dalka Somalia, iyadoo 10-kii sano ee u dambeysay ay Degaanada kor ku xusan ay soo gaareen Dhalinyaro shaqo iyo Tahriib doon ah, kuwaasoo la sheegay iney oa faa’iideysteen Horjoogayaasha Maleeshiyaadka kooxaha Shababka iyo Daacishta Somalia isla markaasna qortay tiro badan oo Dhalinyaradaan ah si ay ugu dagaalamaan.

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Amniga ayaa ka digay in Qulqulka Dhalinyarada Ethiopia iyo ku biiristooda kooxaha argagixisada ay shidaal ku sii shubi doonta la tacaalka dadaalada ay Dowladda iyo Maamulada ugu jiraan sidii loo ciribtiri lahaa Kooxaha Argagixisada ee ka howlgala Dalka Somalia.

246810cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay in Dhalinyarada Ethiopia ay ku Biiraan Kooxaha Argagixisada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com