Kulan ay Yeesheen Golaha Wasiirada Somalia ayaa Lagu Magacaabay Danjirayaal & Qunsulo..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka kaasoo looga dooday qodobo dhowr ay ka mid tahay qaraxii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay iyo Magacaabis Xilal….

Golaha ayaa ku dhawaaqay caawa iney lacag Nus Milyan Dollar ah Dowladu ugu talagashay in lagu taageero Dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.

Dhinaca kale Golaha Wasiirrada ayaa caawa ansixiyay magacaabista Danjireyaal dalkeena uga hawlgali doona dibedda si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay caalamka.
Waxaana ay kala yihiin:

  1. Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir
  2. Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir
  3. Jaamac Xasan Khaliif – Safiir
  4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi – Safiir
  5. Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir
  6. Faysal Axmed Salaad – Safiir
  7. Abiib Muuse Faarax – Safiir
  8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir
  9. Ilyaas Cali Xasan – Safiir
  10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir
  11. Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir
  12. Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir
  13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud
  14. Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud
338480cookie-checkKulan ay Yeesheen Golaha Wasiirada Somalia ayaa Lagu Magacaabay Danjirayaal & Qunsulo..