Maxaa Muranada Siyaasada & Muddo Kordhinada Somaliland Xal Loogu La’yahay

Somalia news

Laga soo bilaabo 1991-kii markii ay ku dhawaaqeen in Maamulada Gobolada Waqooyiga iney ka goosteen Somalia inteeda kale oo Maamul udub dhexaad u ah Gole guurti ay dhisteen, ayaa xiliyada doorshada marka la gaaro waxaa soo shaac baxa Khilaaf xoogan oo ubucdiisu tahay Doorashada ku lamaanan Muddo Kordhin…

Maamulka Xilka ka Dhamaanaya ayaa Xodxodasho iyo Dhaqaale siin ku weydistay Muddo kordhin Golaha Guurtida oo iska noqday Shaabad mudada lagu kororsado, iyagana kororsaday, waxaana soo shaac baxaaya welwel iyo niyad jab laga qaaday Carkowyada (Odayaashaan) Talada degaanka u afduuban tahay muddo 30-sanadood.

Golahaan oo la aasaasay 1988-kii bishii Aug kulankii laguna qabtay tuulada Cadaroosh, ayaa waxey sameeyeen 7 jeer oo muddo kordhin ah kuwaasoo kala ah: 

-Muddo kordhintii 1-aad iyo labaad:  Mr.Cigaal ‘AHN ‘ waxa loo kordhiyey laba jeer oo kala ahaa 1995 oo sannad iyo bar ahayd iyo 2001-dii oo sannad ahayd.

-Muddo kordhintii 3-aad iyo 4-aad  Mr.Riyaale waxa loo kordhiyey laba jeer oo kala ahaa 2008-kii iyo 2009-kii.

-Mudd kordhintii shanaad iyo lixaad: Mr.Siillaanyo waxa loo kordhiyey laba jeer oo kala ahaa 2015-kii iyo 9 bilood oo ka mid ah 2017-kii. 

-Muddo kordhintii 7-aad Mr. Biixi waxa loo kordhiyey hal mar oo ah laba sanno 2022.

Hadaba Miyaa la gaaray xiligii ay iska hor wareejin lahaayeen Golahaan oo ku sifoobay Fadhiid iyo in la iska dhaxlo, isla markaasna isbaaro u noqday Horumarka iyo Geedi socodka Dimuqaraadiyada Gobolada Waqooyiga.

217210cookie-checkMaxaa Muranada Siyaasada & Muddo Kordhinada Somaliland Xal Loogu La’yahay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com