Digniino laga Soo Saaray Sameynta Lacagta Dollar-ka Ee Dhaqaalaha Dalka Somalia

Economie Somalia news World

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay in Dhaqaalaha iyo Siyaasada Aduunka uu si hoose isbedel ugu socdo, iyadoo Qaranigii ugu dambeeyay gaar ahaan Sanadihii 70-kii ay Dowladda USA ku guuleystay in Dollar-ka iyo Shidaalka la isku xirto ayna noqoto Lacag Aduunka oo dhan Saameyn ku yeelata…

Waxaa hadda muuqda ifafaalo looga guuraayo Sameynta Lacagta $, waxaana hormuud ka ah Dowladaha BRICS waana Isbaheysi ay ku bahoobeen Dalalka Brazil, China, India, Russia iyo SouthAfrica, kuwaasoo loo aqoonsaday Quwado leh awood Ciidamo/dhaqaale oo kor u soo kacaaya, isla markaasna sameystay Bangi ka dhaxeeya oo la tartama Hey’adaha World Ban iyo IMF oo ah kuwa ay si gaar ah u maamulo Dalka Mareykanka kana dhigay Hub uu u adeegsado Dalalka Siyaasadihiisa ka horyimaada.

Khabiirada arrimaha. Siyaasada Dhaqaalaha ay sheegeen, in Qiimaha US$ uu hoos u dhacay 60%, waxaana lagu sababeeyay in Dalalkaan ay go’aansadeen in Ganacsiga ka dhaxeeya lagu kala iibsado Lacagadooda ama tan China ee Yuan, waxeyna ku sababeeyeen in USA & Europe ay meel kaga dhaceen “International Rule” kaasoo la dejiyay 1948-dii, waxeyna sidoo kale ku eedeeyeen in Dhibaatada Falastiin ay hortaagan yihiin la xaliyo iyagoo la saftay Israel.

Hadaba Dowlada, Shirkadaha, Ganacsatada iyo Shacbiga Soomaaliyeed oo xiligaan 100% isticmaala Lacagaha Dollar-ka, miyeey ku baraarugsan yihiin dhibaatada ku soo fool leh, mise weli waxey aamisan yihiin in Lacagta $ uu Aduunka weli heysto, waxaana u soo jeedinayaa in Plan B la diyaariyo si Dhaqaalaha iyo Hantida loo badbaadsado, iyadoo la maalgashanaayo Dahabka.

249520cookie-checkDigniino laga Soo Saaray Sameynta Lacagta Dollar-ka Ee Dhaqaalaha Dalka Somalia