Rooble Oo Lagu Eedeeyay Inuu La Saftay Villa Somalia

Somalia news

Shir u dhaxeeya Guddoomiye Cabdi Xaashi, Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa xiligaan ka socda Airport Hotel, iyagoo ka wada hadlaya sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya ee labada garab ee Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo shirka dhexdooda ahaa uu is faham waa ku dhamaaday, isla markaasna Wasiirka 1-aad uu ku been abuurtay in laga heshiiyay…

Shir jaraa’id oo la filayay inay qabtaan garabka uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa la hakiyay, kaddib codsi la soo sheegay inuu uga yimid Puntland iyo Jubbaland, waxaana laga cabsi qabay in shirkaas jaraa’id uu xiisada cirka geliyo, gaar ahaan haddii ay ka hadli lahaayeen kulanka Ra’iisul Wasaaraha uu la qaatay Guddoomiye Cabdi Xaashi oo markii uu soo dhamaaday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu shaaciyay inuu is afgarad ku soo dhamaaday.

Rooble ayaa Cabdi Xaashi u soo jeediyay inuu qaato 4-xubnood halka Mahdi Guuleedna la siiyay 8-xubnood, Gudoomiyaha Senate-ka ayaa ku Gacan seyray, waxaana la sheegay in Khilaafka Garabyada Waqooyiga ayaa hadda gaaray meeshii ugu hooseeyay, iyadoo laga cabsi qabo inuu shirku burburiyo, waxaana lagu Eedeeyay Rooble inuu Weli ka amar qaato Farmaajo iyo Fahad.

120730cookie-checkRooble Oo Lagu Eedeeyay Inuu La Saftay Villa Somalia