Kulan Ka Dhacay Madaxtooyada Oo Lagu Heshiin Waayay

Somalia news

Ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa laga soo xigtay in Kulan Adan saacado qaatay oo xalay Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweynaha iyo Labada Gudoomiyaha ee Barlamaanka iyo Senate-ka, iyadoo looga Dooday Qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiim Damey’s in muddo dhowr bilood ah Dib Loo dhigay Doorashada….

Xogtaan ayaa Diinah.com u tilmaamtay in Madaxweynaha uu Gudoomiyaha Aqalka sare ka dhaadhicin waayay mowqifkiisa ku aadan in doorashada waqtigeeda laga fogeeyo, iyadoo uu u sheegay tiro badan oo Xildhibaanada iyo Senatarada ay oggol yihiin dib u dhigida Doorshada.

Wuxuu Mr.Farmaajo soo jeediyay in ilaa Horaanta Bisha Juun laga dhigo Doorashada Madaxweynaha, Guddoomiye Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Madaxweynaha u sheegay inuusan raali ka ahayn in hal maalin doorashada waqtigeeda lagu daro, islamarkaana haddii ay sharci dejiyaasha dalka ay arrintaas ka dhiidhin doonaan.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo aan la qabin madaxweynihiisa mudo kororsiga iyo Dib u dhigida muddo gaaban uu damacsan yahay ayaa soo jeediyay in qaabka doorashada loo maraayo ay ka heshiiyaaan saamileyda siyaasadda,wuxuuna sheegay in doorashada waqtigeeda ku dhaceyso.

39240cookie-checkKulan Ka Dhacay Madaxtooyada Oo Lagu Heshiin Waayay