Shaki Hareeyay Masiirka Doorashada Puntiland

Somalia news

Doorashadii tijaabada aheyd ka dhacday degaanada Eyl, Ofweyn iyo Qardho ayeey guud ahaan soo dhoweeyeen Xisbiyada Mucaaradka, inkastoo ay farta ku godeen iney jireen Musuqmaasuq, caga-jugleyn iyo kaarar si jumlo ah loo bixiyay, Sida ay sheegeen Ururada..

Xisbiyada Siyaasada ee Ka dhisan degaanada Maamulka Puntland ee kala ah Horseed, Ifiye, Mustaqbal iyo Runcad Oo dhistay Isbaheysi Siyaasadeed ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku xuseen argtidooda ku aadan Doorashada dhacday & Mustaqbalka Maamulka loo dhisaayo degaanada Doorashada ka dhacday.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Xisbiyada qaarkood ay ka faa’iideysteen duruufaha dhaqaale xumo ee xiligaan Dadweynaha heysta Sida shaqo la’aanta baahsan iyo xaalada abaareed, iyagoo sidoo kale eedeyn u jeediyay Guddiyada Doorashada iney baal mareen hirgelinta shuruucda Doorashada loo dejiyay.

148460cookie-checkShaki Hareeyay Masiirka Doorashada Puntiland