Maxaa Ka Jira In Jubbaland Ay Ka Bixisay Macalimuu Deymo Lagu Lahaa

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Deymo lagu yeeshay Guddoomiyihii Gobolka Gedo Cusman Nuur Xaaji (Macalimuu), intii uu ku xayirnaa Hoteel ku yaal Magaalada Mogadishu oo ay dejiyeen Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland uu ka bixiyey dhaqaalaha lagu yeeshay Mas’uulkaan.

Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com news in hoteel ay dejiyeen Madaxtooyada Villa Somalia uuna degenaa 7-bilood, waxaana lagu qiyaasay lacag ku dhow 30-Kun US$ lagu soo dalacay Mr.Macallimu, kadibna ay diiday Villa Somalia in ay lacagtaas ka bixiso Macalimuu oo mar ay saaxiibo Siyaasadeed ahaayeen.

Sida aan xogta ku helnay, Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa codsi u dirsaday Axmed Madoobe isagoo ka raali geliyay weerarkii uu ku qaaday maamulkiisa Gedo iyo hadallo uu ku duray, wuxuuna u ballanqaaday inuu la shaqeyn doono Maamulka Dowlad goboleedka Jubbaland.

Macalimuu ayaa Axmed Madoobe ka codsaday in uu ka bixiyo lacagtaas islamarkaana uu ka shaqeeyo sidii uu Muqdisho kaga bixi lahaa. Maamulka hoteelkii daganaa guddoomiye Macalimuu ayaa dhankooda qiimo dhimis weyn u sameeyay guddoomiyaha maadaama ay muddo sugayeen lacagtooda.

132080cookie-checkMaxaa Ka Jira In Jubbaland Ay Ka Bixisay Macalimuu Deymo Lagu Lahaa