Madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirar wada tashi ah oo is daba joog ah xalay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, wararka ayaa sheegaya in shirarkan ay ahaayeen kuwo looga hadlayay magacaabida Golaha Wasiiradda oo lagu wado in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo…
Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa ii xaqiijiyay in tiro labo jeer oo xalay uu Guddoomiye Mursal tagay Madaxtooyada, looguna yeeray wadatashi, waxaa la sheegayaa in Guddoomiye Mursal uu miiska saaray xubno uu doonayo in Golaha Wasiiradda loogu daro.
Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka ayaa Muddo ku maahquulsan sidii uu wada taahiyo ugu sameyn lahaa Qeybaha kala duwan Ee Bulshada magacaabista Golaha Wasiirada, iyadoo dhibaato xoogan ay ka soo food saartay sidii loo qancin lahaa garabyada Dowladda Federaalka.