Senataro & Xildhibaano Kulan La Qaatay Mr.Kheyre

Somalia news

Mid ka mid ah Xildhibaanada ka tirsan Labada Aqal Ee Baarlamaanka dalka Kenya Senator Falhad Deeqow Iimaan ayaa sheegtay in kulan ay la yeesheen Ra’iisul wasaarihii hore Ee Somalia Mr.Xasan Cali Kheyre, qaar ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto degaanada Soomaalida Kenya….

Kulankaasi oo shalay ka dhacay Hotel ku yaal Magaalada Nairobi ayeey sheegtay in Qodobadii ay kaga hadleen ay ka mid ahayd muranka badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya, sida ay ku qortay Barteeda Bulshada, inkastoo markii dambe ay bedeshay raali gelina ka bixisay.

Senator Falhad Iimaan ayaa barteeda Facebook ku daabacday in kulankoodii quraacda ee ay yeesheen ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Mr.Xasan Cali Kheyre uu u sheegay in uu yahay musharax madaxweyne kana codsaday inay gacan ka siiyaan sidii uu ugu guuleysan lahaa xilka madaxweynaha Somalia.

“Haddii la I doorto waxaan ka shaqeyn doonaa horumarinta dhaqaalaha Somalia taasina faa’ido ayay u tahay dalka Kenya,”ayuu noo sheegay Xasan Cali Kheyre ayay tiri Falxad.

Waxa uu noo sheegay inuu xoojin doono xiriirka ka dhexeeya Somalia iyo Kenya, waxana uu ballanqaaday inuu xal waara u keeni doono khilaafka badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya.”ayay sii raacisay Senator Falhad.

Ugu dambeyntii Falxad ayaa sheegtay inay ka codsatay musharax Xasan Cali Kheyre in uu ku dadaalo awood siinta dumarka, maadama codka haweenka Somalia yahay mid la dayacay.

66200cookie-checkSenataro & Xildhibaano Kulan La Qaatay Mr.Kheyre