Kulan Qarsoodi Ah Oo Ka Dhacay Madaxtooyada

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya sheegaya in Kulan qarsoodi ah uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in kulan Qarsoodi ah uu Xarunta Madaxtooyada, waxaana Mr.Farmaajo uu ku qaabilsan Odaayaasha Dhaqanka Beelaha Mudulood, isagoo kala Hadlay Arimaha Maqaamka Muqdisho iyo Doorashada 202 iyo in Isbaarooyinka Magaalada laga qaadaayo kadib Xaflada 1-da ee Sanadkaan…

Xogtaan ayaa Diinah.com u tilmaamtay in Kulanka Madaxweynaha la yeeshay Odayaasha Mudulood Hiraab ayaa kala ah Imaanka Abgaal iyo Ugaaska iyo Waxgarad kale, wuxuuna weydiistay in faahfaahin laga siiyo Kulanka Mudeysan ee Taariikhdu markey tahay 13.6.2020 uga Furmaayo magaalada Muqdisho, dhamaan Qeybaha kala duwan ee Beeshaasi si loo mideeyo Siyaasada, Dhaqanka, loogu a magacaabo Guddi Sare Oo isku dhaf ah.

Mr.Farmaajo ayaa Odoyaasha ka codsaday in magalaada Muqdisho Aqalka Sare laga Siin Doono Xubno dhan 7-Sanatoor, wuxuuna u sheegay in lagu qeybsan doono Qaabka 4,5, isagoo ka codsaday in 3 xubnood Isaga la siiyo si uu u soo magacaabo kuwa deegaanka ah ka soo Jeeda

Sedaxda uu Codsaday in la siiyo ayuu magacyadooda ku war galiyey kuwaa oo kala ah

-Cali Maxamed Geedi, Cali Wahid ama Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Taageerayaasha uu midkood qaadan doono.

-Dhanka HG-ta Waxaa lagu wadaa Cunto Dhadhamiyihiisa Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare Cali).

-Halka Beesha Murusade uu u qondeeyay Cumar Faaruuq Macalin Cabdi Seediga Madaxweyne Farmaajo lana Dhashay Xaaska Madaxweynaha.

6-da Soo hartay ayaa lagu wadaa iney qeybsadaan Beelaha qaarkood Waxaana lagu qeybinayaa 4,5, sida ay Ilo xogogaal ah sheegeen, Wararka ayaa sheegaya in Odayaasha ay dalbadeen in wakhti la siiyo si ay uga soo tashadaan.

40610cookie-checkKulan Qarsoodi Ah Oo Ka Dhacay Madaxtooyada