Maxaa Villa Somalia Uga Aamusan tahay Xasuuqa lagu hayo Shacbiga Falastine…

Somalia news

Shacbiga Soomaaliyeed ayaa fajac iyo amakaag ka qaaday amusnaanta Maamulka Xasan Gurgurte ee xasuuqa lagu hayo maalintii 4-aad Shacbiga Falastine, iyadoo laga sugaayay iney cadeeyaan mowqifka ay ka taagan yihiin Duqeymaha iyo barakicinta Shacbiga Magaalada Gaza…

Xiligaan Waxa aduunka dhacdooyin ka socdo ma ayna helin waxaan ka ahayn iney (Maamulka Xasan Gurgurte) Dowladda Uganda ugu tahniyadeeyaan madax banaanidooda, xataa hal bayaan kama ayna soo saarin Villa Somalia ama wasaarada arimaha dibada Dhacooyinka Bariga dhexe, mise waxaa dhab ah xanta tilmaameysa in Xasan Gurgurte uu taageeraan yahay Maamulka Yuhuuda.

Waxaa xasuus mudan iney mar ay soo saareen bayaan ay Faransiiska uga tacsiyaynayaan diyaarad dagaal oo ku soo dhacday Dalka Mali, waana ayaan darro in Dowlada Federaalka ay muddo 4-maalmood ah aragtideeda ka soo saarin dagaalada iyo xasuuqa lagu hayo Shacbiga Falastin.

281210cookie-checkMaxaa Villa Somalia Uga Aamusan tahay Xasuuqa lagu hayo Shacbiga Falastine…