Mas’uuliyiin Loo Magacaabay Degmada Wanle-weyn

Somalia news

Degmada Wanla-wayn ayaa xiliyadii ugu dambeeyay waxaa ka taagnaa muran iyo awood isku qabsi talaabadaasi oo horseeday dagaal oo u dhaxeysay Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee degmada iyo ku-xigeenkii Maaliyadda, taasoo dhalisay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac…

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Dowlad goboleedka Konfur galbeedka ayaa soo qoraal uu xilka kaga qaaday Gudoomiyaha Degmada Iyo Kuxigeenkiisa, isla markaasna ku magacaabay Maamul cusub degmada Wanle-weyn, waxaana Gudoomiye Loogu magacaabay Ismaaciil Abuukar Maxamed halka Yaxye Qaasim Cabdullahi Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada, sidoo kale Cabdiqani Maxamed Xasan loo magacaabay Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Maaliyada.

122060cookie-checkMas’uuliyiin Loo Magacaabay Degmada Wanle-weyn